Koox Alshabaab ah oo ay dishay miino ay aasayeen duleedka Bardaale ee gobolka Baay

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 ka mid ah Al Shabaab ay waxay maanta ku dhinteen qarax weyn, xilli ay miino ku aasaayeen duleedka degmada Berdaale ee gobolkaas.

Ciidamada dowladda oo ku baxay jugta qaraxaasi, ayaa la sheegay iney dul tageen meydadka lix ka mid ah AlShabaab, oo ay barbar yaalan qaar ka mid qalabkii ay wateen.

Gudoomiyaha degmada Berdaale, Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case), ayaa sheegay in miinadu ay ahayd mid isaga loogu talla galay, laakiin uu Alle ka badbaadiyay.

Cara-case wuxuu tilmaamay in maanta uu ka soo amba baxay Baydhabo, uuna ku sii jeeday degmada Berdaale, isla-markaana ay shabaabku miinada ku diyaarinayen wado qardo jeex ah oo isagu uu maro, laakiin ay raggaasi miinada kula qaraxday, ka hor intii aanu halkaasi gaarin.

Marar badan aya dhaceen qaraxyada nuucaan ah ee ay ku dhinteen Shabaabkii aasayey meelo kala duwan oo ka tirdan dalka Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245