Koox Jihaadi reer Lubnaan ah oo usoo tacsiyeeyey Alshabaab

Mareeg.com: Koox Jihaad doon ah oo ka howlgala gudaha dalka Lubnaan, laguna magacaabo “Guutooyinka Cabadalla Cazaam” ayaa tacsi usoo dirtay Alshabaab, iyadoio uga tcasiyeysay dilkii hogaamiyahooda Abuu Zubeyr oo Mareykanku 1-dii bishan ku dilay duwryn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay Guutada Cabdalla Cazaam ayaa lagu yiri “Waxaan uga tacsiyeyneynaa dhamaan umadda Muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa Mujaahidiinta ah ee uu ugu horreeyo Dr. Ayman Al-zawahiri iyo walaalaha Towxiidka iyo Jihaadka Soomaaliyeedna aan jeclenhay ee ku caasiyey Mareykanka iyo reer Galbeedka dilkii loo geystey Hogaamiye Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr, Jannada Allaha ka waraabiyee” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Guutada Cabdalla Cazaam oo soo ifbaxday sanadkii 2004.

Bayaanka ayaa loogu baaqay Alshabaab ineysan ku niyad jebin dilkii hogaamiye Abuu Zubeyr, waxaana sidoo kale bayaanka lagu xusay in Abuu Zubeyr maray wado ay mareen hogaamiyaal hore sida Usma Bin Laden.

Bayaan horaantii bishaan September kazoo baxay Alqaacidada Jazeeradda Carabta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen ayaa loogu tacsiyeey dhamaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dunida, gaar ahaan Alshabaab kadib dilkii loo geystay Amriikooda.

Mareykanka ayaa duqeyn diyaaradeed ku dilay hogaamiyihii Alshabaab, Abuu Zubeyr xilli uu ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245