Koox Burcad ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Koox Burcad ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Kooxdaan burcadda ah oo shan maalmood ka hor dhac ka gaystay Geerash ku yaalla degmada Waabari oo in mudda ah ay ku daba jireen hay’adaha amaanka ee dawladda Soomaliya ayaa lagu guulaysatay in gacanta lagu soo dhigo.

Gaariga la dhacay iyo mid ka mid ah kooxaha burcadda ah ku waas dhibaato ku hayay shacabka magaalada Muqdisho ka dib hawlgal laga sameeyay degmada Kaxda ee G/Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamad Yuusuf Maxamad oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalka ay ku soo qabteen baabuurka iyo darawalkii waday, isagoo sheegay in ninka la qabtay uu ka mid ahaa shabakad burcad oo dhac ugaysan jiray shacabka ayna ku wareejiyeen laama amaanka si baaritaano loogu sameeyo.

Maamulka degmada Kaxda ee G/banaadir ayaa mudooyinkaanba waday hawlgalo lagu xaqiijinaya amaanka degmadaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!