Captown, Mareeg.com: Madaxweynaha koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa sheegay dowladda Koonfur Afrika ay kaalin weyn ka gaysan doonto gar-gaarka ay u baahanyihiin boqolaalka ruux ee dhibaatadu ay ka soo gaartay duufaantii ka dhacday xeebaha woqooyi bari ee Soomaaliya.
“Koonfur Afrika waxay u taagan tahay Soomaaliya kaalmadeeda, waxaana u rajaynayaa soo kabasho dag-dag ah,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Madaxweyne Jacob Zuma ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay duufaanadii ku dhuftay qaybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo la sheegay inay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay 300-ruux.
“Dadka Koonfur Afrika iyo dowladdooda waxay xanuunka la wadaagayaan dadkii ku waxyeeloobay duufaantaasi, annaga oo u tacsiyaynayna dadka waayay eheladoodi ay jeclaayeen,” ayuu lagu yiri war kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalkaasi.
Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa gurmadkii ugu horeeyey Jimcihii garsiiyey magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland, iyadoo labadaas dal noqdeen kuwii ugu horeeyey Soomaaliya usoo diray gurmadka duufaanta ku dhufatay xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Mareeg.com