Koonfur Afrika oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya & Kenya dib looga bilbaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Koonfur Afrika oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya & Kenya dib looga bilbaayo

Nairobi – Mareeg.com: Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya ayaa la sheegtay in ay maanta dib u billowday bixinta baasaboorka Soomaaliya ee ay muwaadiniintu horay uga heli jireen xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi, kaas oo muddooyinkii dambe uu hakad ku yimid.

Danjiraha Sooomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay in ay gabagabeeyeen hawlo dhinaca farsamada ah oo ay shaqadu u xannibnayd muddooyinkii dambe.

Danjiraha ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalmaha u xannibnaa baasaboorka ka raalligeliyay dib-u-dhaca. Nairobi ayaa ka mid ah magaalooyinka ka baxsan Soomaaliya ee laga goosan jiray baasaboorka.

Dhanka kale, Janeral C/llaahi Gaafoow Maxamed oo ah taliyaha Hay’ada Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay dawlada Koonfur Afrika ogolaatay in xafiis laga qaato baasaboorka Soomaaliga ah laga furo dalkeeda.

Janeral Gaafoow ayaa tibaaxay inay dowladda Koonfur Afrika aqoonsatay islamarkaana ay warqad casuumaad ah usoo direen sidaa awgeedna maanta oo talaado ah uu u ambabaxayo Koonfur Afrika.

Waxa uu sheegay in ay fududeyn unoqon doonto Xafiiska ay furayaan Soomaalida deggan Koonfur Afrika inay baasaboorka Soomaaliga helaan oo ay deggenaasho dalkaasina Koonfur Afrika kusiin karto.

Taliye Gaafoow ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ay dhamaadeen baasaboorka been abuurka ahaa ee dalka looga dhoofi jiray isagoo sheegay in dad badan oo baasabooro bug ah ay ku dhoofi rabay ay gacanta ku dhigeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!