Kolonyo mucaawino sida oo gaaray Waajid

Xudur – Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay iney manta degmada Waajid gaareen ilaa 18 gaadiid xamuul ah oo sida mucaawino loogu talagalay dadka ku nool Waajid iyo Xudur.

Tool oo la hadlay VOA ayaa sheegay in raashinka oo ay dirtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya uu ka kooban yahay bur iyo sokor.

Wuxuu sheegay Tool in raashinkaas oo 3 maalmood ka hor laga qaaday Baydhabo uu si nabad ah ku gaaray degmada Waajid, dhawaana ay dadka u qeybin doonaan.

Raashinkaa gargaarka ah oo labo bilood ka hor laga raray Muqdisho ayaa ku xayirnaa magaalada Baydhabo kadib markii Alshabaab xireen wadooyinka isku xira Baay iyo Bakool.

Todobaakii hore ayay aheyd markii labo diyaardood raashin deg deg ah gaarsiiyeen degmada Waajid, kadib markii xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah dadka degmadaas ay halis gashay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245