Kolonyo milateri Kenyan ah iyo Alshabaab oo dagaalamay

Kulbiyow – Mareeg.com: Dagaal lagu riiqmay ayaa maanta gobolka Jubada Hoose ku dhexmaray ciidamada Kenya ee AMISOM ku jira iyo xarakada Alshabaab, waxaana soo baxaya warar kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar dhaba-gal ah ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaanka Kulbiyoow iyo Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, kuna dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa dadka deegaanku sheegayaan iney maqlayeen hub xoog leh oo la adeegsanayo, waxaana dagaalk ka qeybgalay diyaaradaha dagaalka Kenya.

Alshabaab ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku dileen ilaa 10 askar Kenyan ah, islamarkaana gubeen afar ka mid ah gaadiidka ciidamada Kenya.

Sheegashada Alshabaab oo aheyd iney dileen 10 askar Kenyan ah waxaa ka horreeyey sheegasho kale oo ka timid AMISOM, taasoo aheyd iney duqeyn diyaaradeed ku dileen ilaa 80 Alshabaab oo siday sheegeen ku weerareen deegaanada Caanoole iyo Kudhaa oo ka tirsan Jubada Hoose.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245