Kolonyo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyey Muqdisho
Ciidamada AMISOM ayaa Risaas la dhacay Dad shacab ah oo ku sugnaa Agagaarka isbartiibada ee Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho,ka dib Markii Qarax lala eegtay.
Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoyska Baar ayaan iyo Miisaanka Dhuxusha, waxaana la sheegayaa inuu Jiro Khasaare kala duwan oo dad shacab ah ka soo gaaray Rasaas ay adeegsadeen Ciidamada AMISOM.
Gaari Booyad ah ayaana Qaraxu Haleelay sida ay sheegayaan dadka Deegaanka .
Ciidamo ka Tirsan Boliiska Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada u gurmashada dadka ay waxyeelada gaartay.
Comments are closed.