Kolonyo gaadiid gargaar sida oo xoog lagu gaarsiiyey Buulobarde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kolonyo gaadiid gargaar sida oo xoog lagu gaarsiiyey Buulobarde

Mareeg.com: Gadiid sida gargaar oo gaaraya 25 gaari looguna talagalay degmooyinka Buulobarde iyo Maxaas ayaa maanta gaaray degmada Buulobarde, iyadoo laga galbiuyey degmada Jalalaqsi.

Raashinkan gargaarka ah ayaa waxaa gudbiyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoo gaarsiiyay degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas, waxaana lagu wareejiyay maamullada degmadaas si shacabka degmooyinkaas loogu qaybiyo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in aysan wax iska-horimaadyo ah ka dhicin waddada isku xirta degmooyinkan iyo degmada Jalalaqsi, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo diidanaa inuu gudbo gar-gaarkan ku wajahnaa labadan degmo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo ka baxay Muqdisho ay gaareen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan si ay mucaawinadan u gaarsiiyaan labadan degmo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya.

Ciidamada is garabsanaya ayaa horay deegaanka Buurweyn u geeyey raashin mucaawino ah, waxeyna usii gudbeen dhanka Buulobarde.

Waa mucaawiunadii ugu horreysay ee laga qaado Muqdisho ee jidka dheer la mariyo ee la gaarsiiyo gobolka Hiiraan.

Raashinkaan waxaa halkaas gaarsiiyey miltaeriga Soomaaliya qeybta 12-ka April ee hogaamiyo Jen. Qaafow iyo ciidmada ka socda AMISOM, gaar ahaan dalka Burundi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!