Kolonyo gaadiid gargaar sida oo ciidamo u galbiyeen degmada Maxaas * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kolonyo gaadiid gargaar sida oo ciidamo u galbiyeen degmada Maxaas

Mareeg.com: Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa galbinaya deeq raashin ah oo loogu talagalay dadka ku dhibaateysan magaalooyinka Maxaas iyo Ceelbuur ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Deeqda raashinka ah ayaa ka ambabaxday degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, sida sheegay taliyaha booliska gobolka, Kornayl Isaaq Cali Cabdulle.

Kornayl Isaaq ayaa sheegay in deeqda loogu talagalay dadka saboolka ah ee ku nool magaalooyinka ay ku wajahan tahay.

“Sida ugu dhaqsaha badan ayaan deeqda u gaarsiin doonnaa dadka loogu talagalay, Beledweyne ayaan marka hore geyn doonnaa, kaddib ayaan u gudbin doonnaa meelaha loogu talagalay,” ayuu yiri taliyaha.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo inay si nabadgalyo ah ku gaari doonto magaalooyinkaasi.

Ciidamo ka socda AMISOM, gaar ahaan Itoobiya oo ka ambabaxay degmada Maxaas ayaa shalay gaaray degmada Buulo-burte.

Raashinkaan oo markii hore laga qaaday Muqdisho ayaa waxaa Buulo-burte gaarsiiyey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!