Kolonyo Ay La Socdeen Ciidan Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka
Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa waxaa qarax lagula eegtay Wadada u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye xili ay ku socdaalayeen wadadaasi.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca Wadada dhinaceeda lagu aaso,waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray kolonyadii ay la socdeenn Ciidamada Midowga Afrika AMISOM,waxa uuna Qaraxa haleelay Kolonyada xili ay marayeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Gawaarida AMISOM uu qaraxaasi haleelay.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qarax ka dib ay maqleen rasaas ay ridayeen Ciidamada AMISOM ee la qarxiyey.
Comments are closed.