Kolonyo Amisom oo qarax lagula beegsaday wadada Afgooye

Read Time:44 Second

Qarax miino ayaa duhurnimadii maanta waxaa Kolonyo is daba socotay oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM, waxaa lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino kuwa meelaha fog fog laga hago, waxaana lala eegtay mid ka mid ah baabuurtii ay wateen ciidamada AMISOM, kaasoo ahaa gaari booyad ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya inay maqleen qarax xoogan, waxaana ciidamada AMISOM ay in muddo ah ku hakadeen halka qaraxa lagula eegtay.

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha ka dhashay qaraxan lala eegtay ciidamada AMISOM, iyadoo uu ku soo aaday xilli saaka weerar is qarxin ah uu ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha, oo ah goob ay ilaaliyaan Ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa lagu qaaday weerar jid gal ah, xilli ay marayeen duleedka magaalada Marka, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkaas.

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %