Kolonoyo Amisom Oo Muqdisho Ku Dilay Taksiile Caan Ka Ahaa Degmada Waabari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kolonoyo Amisom Oo Muqdisho Ku Dilay Taksiile Caan Ka Ahaa Degmada Waabari

Muqdisho – Mareeg.com: Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa saaka qof shacab ah ku jiiray agagaarka xaafadda Taree Biano ee KM4 magaalada Muqdisho.

Ninka gaariga AMISOM jiiray ayaa la sheegay inuu ahaa Taksiile, waxaan gaadiidkaas iskia wateen socodkooda.

Ninka ay dileen kolonyada AMISOM ayaa magaciisa lagu sheegay Saalax, kaasoo caan ka ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Gaarigaan oo ka yimid dhanka Garoonka Muqdisho, ayaa wuxuu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo AMISOM ay wataan, kuwaasoo kusii jeeday dhanka Madaxtooyada.

Qof ka mid ah dadkii ka ag dhawaa goobta shilkaani ka dhacay ayaa sheegay iney qaateen gaari ka dabaqaateen ciidamada shilka geystay, kana daba tageen si ay u joojiyaan, hase ahaatee ay qoryaha ku soo fooraariyeen, isla markaana diideen iney joogsadaan.

Dad careysan ayaa isugu soo baxay goobta shiulku ka dhacay, waxeyna muddo kooban xireen wadada Maka Almukarrama oo ah wado ciriir badan oo ay adeegsadaan gaadiid aad u farabadan.

Dhamaadkii sanadkii 2013 ayay aheyd markii labo dhalinyaro oo mooto wadatay ay ku jiireen Ciidamada AMISOM agagaarka Bankiga Silsilaweyne ee degmada Shangaani, iyadoo labadaas dhalinyaro ay dhinteen, waxaana mar dambe war saxaafadeed ay soo saareen raali gelin kaga bixiyeen falkaas arxan darada ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamada AMISOM gaadiidka ay wataan ku dilaan dad shacab ah, waxaana jira dad ay sheegeen iney ka bixiyeen magdhow.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More