Kismanyo:Markab Ganacsade soomali ah u raraa oo hub laga helay

Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyed ee Juballand ayaa qabtay hub laga helay markab ganacsi oo ku xiran dekeda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in hubkan uu ku jiray sanaadiiq lagu soo qariyey konteynaro laga dejinayey markab badeecado ganacsi sida oo dekeda Kismaayo ku xiran.

Hubka laga helay markabkan ayaa waxaa ka mid ahaa bastoolado fara badan, qoryaha RBG-ga ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha iyo noocyo kale.

Shaqaalaha ka xamaasha dekeda Kismaayo oo arkay hubka sida qarsoodiga looga dejinayey markabka ayaa ku wargeliyey ciidamada amaanka taasoo horseeday in la qabto.

Masuuliyiin ka tirsan dekeda Kismaayo ayaa laga soo xigtay in markabka laga helay hubkan uu rarnaa ganacsade ka soo jeeda degaanada Puntland oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdijamaal.

Ma cadda halka laga keenay hubkan iyo cida loo waday, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku saabsan arrimaha hubkan qarsoodiga looga dejinayey dekeda Kismaayo.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245