Kismaayo: Weerar lagu qaaday meel ku dhow gurriga uu deganyahay Raysul Wasaare Cabdiweli

Kismaayo – Mareeg.com: Dabley hubeysan oo loo badinyo iney ka tirsan yihiin Alshabaab waxaa xalay ku qaaday meel aad ugu dhow guriga uu Kismaayo ka degan yahay Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo maalintii 3-aad halkaas booqanaya.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xalay rasaas lagu furay meel guriga uu deganyahay Raysulwasaare C/weli laga ilaaliyo, islamarkaana ilaalada gurigaas ku jawaabeen rasaas xoog leh, iskana caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, waxaana dadka halkaas ku dhaqaan sheegeen iney maqlayeen rasaas is weydaaranayeen labada dhinac.

Ma jiro wax war ah oo maamulka Juba kazoo saaray wararka sheegaya in xalay weerar ka dhacay magaalada Kismaayo, xilli uu halkaas joogo Raysulwasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245