Kismaayo: Qarax lala beegsaday Amisom oo khasaare geystay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kismaayo: Qarax lala beegsaday Amisom oo khasaare geystay

Kismaayo – Mareeg.com: Qarax miino ayaa maanta ciidamada AMISOM lagu eegtay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in inta la ogyahay hal qof oo rayid ah uu geeriyooday, saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayayey halka loo yaqaanno Dalcadda.

Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in geerida iyo dhaawaca dadka rayidka ah ay ka dhasheen rasaas xooggan oo dhacday kaddib qaraxa miino.

Lama oga waxa gaaray ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay, waxaana goobtii qaraxu uu ka dhacay isku gadaameen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka AMISOM oo ku saabsan qaraxaan saaka ka dhacay magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa bar ay leeyihiin ku qoray iney qarax la beegsadeen gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada dalka Sierra Leone ee qeybta ah AMISOM, waxeyna sidoo kale sheegeen in gaaarigaas burburay, islamarkaana ay khasaare u geysteen ciidamadii la socday.

Dhinaca kale, isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa maanta la geeyey saddex qof oo rayid ah oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn xalay xaafadda Via-Afmadow ee Kismaayo ku dhex martay ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaad la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan madaxda isbitaalka Kismaayo, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa heegay in dadka la keenay isbitaalka ay qabaan dhaawacyo fudud.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jira falal amaan darro, waxaana inta badan lagu dilaa ganacsatada, odayaasha iyo dad kale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!