Kismaayo Oo Xalay Bandow La Saaray Isgaarsiinata Laga Jaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kismaayo Oo Xalay Bandow La Saaray Isgaarsiinata Laga Jaray

Kismaayo – Mareeg.com: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose, ayaa sheegaya in magaaladaas xalay lagu soo rogay bandow kadib markii uu soo baxay tuhun ah in Alshabaab soo weerarayaan magaalada.

Ciidamada maamulka ayaa la dhigay waddooyinka magaalada, waxayna dadweynaha ku amrayeen inay guryahooda galaan.

Maamulka KMG ah ee Jubba kama aysan hadlin sababta keentay bandowga, waxaase jira warar sheegaya in laga cabsi qabo in magaalada uu duullaan ku soo wajahan yahay.

Isgaarsiinta ayaa laga jaray gobollada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe oo hab-ka isku xirka isgaarsiinta gobolladaas iyo Muqdisho laga maamulo degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay al-Shabaab gacanta ku heyso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dhexdooda uu shaki soo kala dhexgalay, taasina keentay iney is-rasaaseeyaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!