Kismaayo Oo Bandow Loo Saaray Xafladda Caleemo Saaraka Axmed Madoobe

Read Time:1 Minute, 9 Second

Kismaayo – Mareeg.com: Maamulka KMG ee Juba ayaa manta ku dhawaaqay inuu bandow kusoo rogay magaalada Kismaayo, iyadoo lagu wado in halkaas berry lagu qabto xaflad lagu caleemo saarayo hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Magaalada Kismaayo ayaa gebi ahaanba la joojiyey isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga guud ee magaalada, waxaana aad loo adkeeyey amaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sheegay in sababta bandowga loo soo rogay tahay in la sugu amaanka magaalada iyo amaanka wufuudda ka qeybgeleysa xafladda caleemo saaraka Axmed Madoobe.

Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sheegay in bandowgaani socon doono labada maalmood ee soo socota, wuxuuna uga digay gaadiidka rayidka inay maraan waddooyinka waaweyn ee magaalada.

“Waxaa la saaray magaalada Kismaayo bandow laga billaabo maanta illaa labada casho ee soo socota, waxaana sababtu tahy sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka magaalada inta ay socoto xaflad lagu caleemo saarayo Sheekh Axmed Madoobe” ayuu yiri Darwish.

Darwiish ayaa xusay in ciidamo farabadan oo horay magaalada looga saaray si loo tababaro dib loo soo celiyey si ay qeyb uga qaataan amaanka inta lagu guda jiro xafaladda caleemo saarka Axmed Madoobe.

Berri oo ku beegan 20-ka bisha Janaayo 2014 ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto xaflad lagu caleema saarayo hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe, waxaana ka qeybgelaya mas’uuliyiin kala duwan oo Soomaali ah iyo xubno ka socd IGAD.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %