Kismaayo oo Askar cusub la geeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kismaayo oo Askar cusub la geeyay

Mareeg.com-

Ciidamo ka socda Dowladda Burundi, kana mid noqonaya Howlgalka AMISOM qaybtiisa Kismaayo ayaa halkaas tagay, kuwaas oo si wacan loosoo dhaweeyay.

Ciidamadna oo tiradoodu ay gaareyso 75 Askari ayaa waxay hordhac u yihiin Ciidamo isla Dalka Burundi ka imaanaya oo loogu tala galay inay Magaalada Kismaayo ka howlgalaan.

Afhayeen u hadlay Maamulka Jubba oo lagu magacaabo Cabdinaasir Seeraar ayaa Warfidiyeenka u sheegay in Askartan timid la dajiyay Saldhig Magaalada ku yaala, isla markaana ay dhawaan sugayaan Ciidamo kale oo kusoo biira, si Tiradoodu ay Laba Boqol oo Askari u gaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidankan ay daba socdaan Go’aan horay ay AMISOM u gaartay oo ahaa in Askar Burundi iyo Sierra Leon ka socda la geeyo Kismaayo, si Ciidanka Kenya ee halkaas Mudada joogay loogu wareejiyo Goobo kale oo ay ka howlgali doonaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!