Kismaayo: Madaafiic Ay Is Dhaafsadeen Alshabaab Iyo Milateriga Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kismaayo: Madaafiic Ay Is Dhaafsadeen Alshabaab Iyo Milateriga Kenya

Kismaayo – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay markii labaad Alshabaab madaafiic hoobiyaal ah ku weerareen magaalada Kismaayo, halkaasoo dhawaan lagu caleemo saaray hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe.

Madaafiicda oo laga soo riday hareeraha magaalada ayaa lala beegsaday xarrunta Jaamacadda Kismaayo, halkaasoo ah xarrunta lagu qabto shirarka maamulka, islamarkaana la dejiyo siyaasiyiinta martida ee taga Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa ku jawaabay madaafiic xoog badan, waxeyna madaafiicdaas u rideen dhanka jihadii laga soo riday hoobiyaasha.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen madaafiicdii xalay Alshabaab ku qaadeen magaalada Kismaayo, waxaana weerar nuucaan ah habeen hore ka dhcay halkaas.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan ciidamo ka kala socda Kenya iyo Sear Leone, waxaana saraakiisha Amniga ee Maamulka KMG ah Juba sheegeen dhawaan in qorshahooda yahay in wixii ka dambeeya 25-ka bishan Janaayo ay weerar ku qaadayaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubooyinka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!