Kismaayo: Gaari ay wateen ciidamada Maamulka Juba oo qarax lala beegsaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kismaayo: Gaari ay wateen ciidamada Maamulka Juba oo qarax lala beegsaday

Kismaayo – Mareeg.com: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhaawacantay 3-askari oo ka tirsan ciidama maamulka KMG ah ee Jubba ee ka arrimaya magaaladaas.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka la geliyey, waxaana lala beegsaday gaari ciidamadu wateen oo marayey agagaarka isbitaalka guud ee Kismaayo.

Dhaawacyada ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Kismaayo si loo daweeyo, waxaana goobta sida caadiga ah tegay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo sameeyey baaritaan walow aan cidina la xirin.

Magaalada Kismaayo ayaan aheyn magaala xasiloon, waxaana marka laga soot ago Alshabaab, weeraro iska soo horjeeda ka fuliyo maleeshiyaad hubeysan oo kazoo kala jeeda beelo kala duwan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!