Kismaayo: Baarlamanka Jubaland oo doortay gudoomiye iyo labo ku-xigeen (Sawirro)

Mareeg.com: Baarlamaan goboleeda maamulka Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ku doortay gudoomiye iyo labo ku xigeen.

Hoolka doorashud ka dhaceysay waxaa xaadiray 72 ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 77 mudane.

Doorashada gudoomiyaha oo ay isu soo sharaxeen 4 xubnood, ayaa waxaa 2 ka mid ah tanaasuleen, waxaana tartamay labo xubnood.

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubaland ayaa loo doortay inuu noqdo  Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo helay 45 cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Doorashada Baarlamaanka Jubbaland.

Gduoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Jubaland ayaa loo doortay Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, halka Cabdi Baaley, isna loo doortay inuu noqdo gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaankaas.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe oo goobjoog u ahaa qaabka ay doorashadu u dhacday ayaa wuxuu si diiran uu u bogaadiyay tallaabadaas iyo natiijada soo baxday.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245