Kismaayo: Amisom Oo Tababar Gaaban U Furtay 800 Askari Oo Taabacsan Maamulka Juba

Kismaayo – Mareeg.com: Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM qeybta magaalada Kismaayo ayaa ayaa in kabadan 800 askari oo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba maanta tababar uga furay deegaanka Ma-dhammaato ee dhaca waqooyiga Kismaayo.

Tababarka waxaa bixinaya macalimiin ciidan oo Soomaali ah iyo kuwo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, wasiirro iyo saraakiil katirsan maamulka.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku booriyay ciidamada in ay u shaqeeyaan shacabka islamarkaana ka qeybqaataan howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubba, Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in tababarka kaddib uu ciidanku ka howlgali doono deegaannada maamulka ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Tababrka oo socon doona 35 maalmood ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM ay u furaan ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245