Khudbad Jeedinta Musharaxiinta Oo Hada Ka Bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa hada Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga wajiga labaad Khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Xarunta golaha Shacabka waxaa hada ku sugan 7 Musharax kuwaa oo maanta loo qorsheeyay in ay jeediyaan khudbadaha, maadaama uu is casilay Eng C/laahi Cali Xasan, iyadoo Musharax walba uu khudbadiisa ku jeedinaya waqti ku siman 30-daqiiqo.

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

C/naasir Cabdulle Maxamed

C/raxmaan C/shakuur Warsame

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

C/laahi Ciilmooge Xirsi

C/qaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia