Newyork, Mareeg.com: Ergada wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada ayaa raadinaya deked loo adeegsado kala wareejinta hubka Kiimikada ah ee Suuriya, kadib marka laga qaado dalkaas, iyadoo la doonayo in lagu burburiyo badda.
Madaxa Ergada Qaramada Midoobay ee burburinta Hubka Kiimikada ah ee Suuriya, haweeneyda lagu magacaabo Sachrid Kach ayaa arrintaan shalay ku wargelisay Qaramada Midoobay, hase ahaatee ma sheegin dowladda ay arrintaan kala hadleen ee la doonayo in la adeegsado dekedeeda ama badeeda.
Hubka Kiimikada ee Suuriya ayaa lagu wadaa in Markanb looga qaado dekedd Al-laadiqiya ee dalka Suuriya, kadibna lagu burburiyo badda.
Dowladdaha Italy, Norway, Denmark ayaa soo bandhigay iney hubkaas kiimikada ka qaadaan dekedda Al-laadiqiya ee Woqooyiga Suuriya, iyadoo ilaalo adag laga hayo, islamarkaana dekded kale lagula wareejiyo markab Mareykanku leeyahay, taasoo aan weli la shaacin dalka ay ku taallo.
Hubkan kiimikada ah ayaa cabsi badan laga qabaa, taasina waxey keentay in dalal badan diidaan in hubkaas lagu burburiyo badahooda.
Hubka Kiimikada ah ee lagu wareejinayo Markabka Mareykanka ah ayaa ah mid farabadan oo gaaraya ilaaa 500 oo tan, iyadoo qorshuhu ahaa in sanadka 2014 laga takhaluso hubka Kiimikada Suuriya.
Mareeg.com