
Muqdisho ( Mareeg News ) Sida wararka ay nagu soo garayaan Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan Hoggaanka aqalka sare ee jamhuuriyada federalka soomaliya Iyo Vila somalia , Khilaafka u dhaxeeya labada dhica ayaa waxaa sabab u ah Dorashooyinkaa Maamul goboleedyada qaar ka jira Iyo Khilaafka Vila somalia kala dhaxeeyo Dowlad goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Abdi Hashi abdulahi xiriirkooda aad ayuu u xumaaday mudoo yinkii ugu dambeeyay , Siyaasiga maxamed abdi yuusuf ayaa dhexdhexaadin ka dhex wada labada dhinac , Gud abdi hashi ayaa madxweyne farmaajo ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dib u dhaca soomaliya.
maxamed abdi yuusuf oo horay usoo noqday Rw iyo Wasiir xukuumadii abdi qaasim ayaa hada hada ukala dab qaadaya labada dhinac , farmaajo ayaa laga codsaday in cabdi xaashi loo ogolqado inuu wax ku yeesho go’aanada dalka ay ka gaareeyso Vila somalia iyo in lagala Tashto saamiga beesha Isaaq oo ay hada vila somalia kaligeed go’aansato , Farmaajo haduu arinkaa aqbalo waxaa laga yabaa inuu ogolaado abdi haashi Daminta Kacdoonka ka dhanka ah vila somalia ee aqalka sare ka socda.
madaxtooyada ayaa aminsan in cabdi haashi iyo aqalka sare ay dowlada ka hor keeni karaan shacabka iyo taageerayaasha taagersan Madaxweynaha .
Dhanka kale Xafiiska Raisul wasaare kheyre aya la ogaday inuu Shaqa geliyay Siyaasiyiin ay kamid yihiin Dhageey geele iyo Dhagdheer oo la amray ineey diyaariyaan mooshin iyo wax walba oo ay ku qal qal geli karaan aqalka sare .
Aqalka sare waxaa hada ku badan aadna ugu xoogan mucaaradka Lama oga arinka halka uu ku dambeeyn doono waloow ay hada socoto dhex dhexaadinta labada dhinac .
Xukuumada madaxweyne farmaajo ayaa laba sano ku lumisay Dagaal iyo loolan siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka balse khilaafkan cusub ayaa la saadaalinayaa in ay macquul tahay inuu u suroobin Sida Kii Jawaari.
mareeg.com
Xafiiska muqdisho
Email: Info@mareeg.com