Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxda Sare Ee Ururka Al Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxda Sare Ee Ururka Al Shabaab

Sida lagu daabacay Wargeyska The standardmedia ee kasoo baxa dalka Kenya khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxda  Xarakadda Al-shabaab kaddib qaraxii 14-kii Ocober ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil Sirdoon ah oo la hadlay Wargeyska ayaa sheegay in  madaxda dhexe ee Al-shabaab,guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda oo ah hogaamiyaha Al-shabaab ayaa lagu eedeynayo in uusan la tashan Golaha shuurada ee Xarakadda Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii isgoyska Zoobbe ka dhacay bishii aynu soo dhaafnay.

Qaraxyadda iyo weerarada Al-shabaab ay fuliyaan ayaa waxaa lagala tashadaa Golaha shuurada ee Al-shabaab kuwaasi oo ansixiya goobaha la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay hogaamiyaha Al-shabaab .

Sidoo kale Wargeyska The standardmedia ayaa qoray in Hoggaamiyaha Al-shabaab uu haatan bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabaab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab.

Qaraxii ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 400-qof oo dhamaan shacab ahaa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!