Khilaaf Xoogan Oo Ka Jira Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub Ee Hirshabeelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khilaaf Xoogan Oo Ka Jira Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub Ee Hirshabeelle

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi ay ka socdaan kulamo Gooni Gooni ah oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ilo ku sugan Jowhar ayaa inoo sheegay in Magacaabista Golaha Wasiiradda dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu ka taagan yahay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxa ay doonaya in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiiradda Cusub ee lasoo Magacaabayo.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa la sheegay inuu soo bandhigay Liiska Golo Wasiiro oo u badan qurbajoog, islamarkaana waxaa Arintaasi Gaashanka u Daruuray Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guud-laawe.

Dhinaca kale waxaa jiro Xildhibaano iyaga doonaya in lasoo celiyo qaar kamid ah Wasiiraddii Hore.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa laga soo sheegaya in Khilaaf aad u Xoogan uu ka taagan yahay Magacaabista Golaha Wasiirradda Cusub ee Hirshabeelle.

Shiikh Cismaan Barre oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa la sheegaya in uu waddo dadaallo lagu xalinayo Khilaafka ka jira Magacaabista Golaha Wasiirradda Cusub ee Dowld Goboleedka Hirshabeelle.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!