Khilaaf u dhaxeeyey Madaxda Hir-Shabeelle oo xal laga gaarey (Muxuu salka ku haayey)

Read Time:34 Second

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan Casho ah ugu sameeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Dr Maxammed Cabdi Ware iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Kulankan uu soo agaasimay Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle ayaa ujeedkiisuna ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaaf iyo Madmadow soo kala dhexgalay Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Ku xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ahna ayaa soo afjaray Khilaafkii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Todobaadyadii la soo dhaafey ayaa Warar soo baxayey waxaa ay sheegayeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusman Barre Maxamed in uu wadey mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %