Khilaaf soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee Al-Shabaab cabsi laga qabo..

Muqdisho(Mareeg.com) – Khilaaf xoogan ayaa waxa uu xiligaani ka dhextaagan yahay Hogaanka sare ee Maleeshiyada Al-Shabaab.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu dhashay kadib markii Horjoogayaasha qaar ay soo jeediyeen in Kooxda lagu biiriyo Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalanta Siriya iyo Ciraaq.

Ilo wareedyo katirsan Maleeshiyada ayaa sheegaya in garab uu Hogaaminayo Axmed Diiriye ”Abuu Cubeyda” oo ah Hogaamiyaha Shabaab ay doonayaan in ay la midoobaan Kooxda Daacish islamarkaana ay ka furtaan Ururka Al-qa’ida oo ay ka tirsan yihiin.

Arrintaasi ayaa waxaa kasoo horjeestay Saraakiil kale oo Shabaabka ka tirsan oo uu kamid yahay Mahad Karataay, waxa ayna kasoo horjeedan in lagu biiro Daacish.

Inta badan Saraakiisha Alshabaab ayaa Daacish ka aaminsan Koox aan sal iyo baar ku laheyn diinta Islaamka, marka loo eego sifooyinka ay ku dhaqayaan Bulshada.

Dhanka kale, Axmed Diiriye ayaa fakirkaani ku qarinaaya fashil ku imaaday Hogaankiisa, waxa uuna fashilkaasi ku qarinayaa in kooxda ay ku biirto Daacish.