Kheyre oo la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Somalia

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya David William Concar,waxayna kullankooda uga hadleen xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka  Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Concar   ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dhanka Dowladda wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga .

Dhanaca kale, Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xafiiskisa isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday  Midowga Yurub,kaasi  oo looga hadlay  horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub  iyo Soomaaliya  ee ku aadan  Dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.