Mareeg Media
Somalia

Kheyre oo la kulmay safiirada wadamada Midowga Yufub u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la yeeshay safiirada Muqdisho u fadhiya dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub.

Kulanka oo ay wehliyaan ra’iisul Wasaaraha Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Qorshaynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya waxaana kulanka sidoo kale safiiradu ku bogaadiyeen horumarka ay ku talaabsatay dawladda Soomaaliya.

Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa safiirradii goob joogga ka ahaa danjirayaasha Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!