
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa uu xalay kulan la qaatay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka kasoo jeeda deegaanka Xeraale.
Kulanka ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha odayaasha Dhaqanka ka xog-wareystay sida uu u dhaqan galay heshiiskii labada beelood ee deegaannada Xeraale iyo Huurshe oo dagaal ahli uu dhex-marey.
Odayaasha Dhaqanka deegaanka Xeraale ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa ay uga mahad celiyeen kaalintii uu ka qaatay heshiiskii ay wada gaareen labada Beelood ee wada dagaalami jirey.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa odayaasha Dhaqanka waxaa uu uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen in hehsiis la wada dhex-dhigo,isaga oo kula dardaarmey in la ilaaliyo nabada iyo xasiloonida.
Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa uu halkaasi ka wadaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo,Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna iyo waxgaradka deegaannada Maamulkaas.