
Xasan Cali Kheyre R/Wasaasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa kala diray dhamaan guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulka Galmudug.
Arintan ka dambeysay kadib markii xal laga gaaray tabashooyinka ay qabaan dhamaan beelaha dega deegaanada Galmudug.
R/Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu amar ku bixiyay in guddiga doorashooyinka Galmudug ay ku dhawaaqaan Liiska 69 Mudane oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Galmudug.
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa horay ugu fashilmay dhowr Jadwal doorasho oo ay soo saareen, Waxaana Dhuusamareeb maalmihii dambe kulamo ka wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Dhawaan ayay aheyd markii R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu kulamo la qaatay Madaxa xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyo Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud,, sidoo kale R/Wasaare Kheyre waxaa uu kulamo la qaatay beelaha dega deegaanada Galmudug.