Kheyre Oo Gaaray Garoowe + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kheyre Oo Gaaray Garoowe + Sawirro

Waxaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ugu horeyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland,sarakiil Ciidan Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo gaar ah la qaato Madaxda maamulka Puntland iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe.

Ammankaga Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaan wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada gaarka ah ee Nabad-sugida Puntland oo meel kasto taagan.

 

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!