KHAYR-SUFO STATE!! :- Ma waxaa la badalay Magacii Galmudug ?

Read Time:48 Second

Muqdisho ( mareeg News )Waa Sheeka Kaa Yaabin Doonta Markaad aqriso ,Beelihii Galmudug degenaa gaashaanka ayey u daruureen qaabka iyo xubnaha loo magacaabay guddigii xafiiska Raysulwasaaraha u badnaa ee dibuheshiisiinta in ay ka shaqaynayaan lagu sheegay, maadaama Xamar iyo xafiiska RW Khayre badankoodu ay matalaan iyo xubo dhowr oo SUFO ka socda, dadka la heshiisiinayana Bakaaraha halaga qaado ama shaqadooda ugu horeysa oo guddigaasi uu qabanayo ha noqoto dibuheshiisiinta Khayre iyo beelaha Galmudug.!!

Haddii Galmudug si sax ah oo daacad ah uu Khayre rabo inuu uga shaqeeyo beelaha Galmudug waa in loo diraa oo ay keensadaan xubnaha ku matalaya guddiyada kala duwan ee hawlaha yaalla ka shaqaynaya, haddii kale waa ruwaayadii qarniga ee beeneey waa run iyo shaqaalaha xafiiskiisa Khayre oo xildhibanno ahaan loo soo xuley iyo mid ka mid ah been-ma-sheegayaashiisa oo madaxweyne loo doorto, markaasna Galmudug magaca waa laga bedelayaa waxaana loo bixinayaa KHAYR-SUFO STATE!!

 

Xildhibaan Ahmed Mo’alim Fiqi Ayaa Bartiisa Facebook Ku Daabacay Qoraalkaan.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %