Khatumo oo todobaad u qabatay in Somaliland uga baxdo Taleex

Taleex – Mareeg.com: Maamulka Khatumo ee horay u maamuli jiray degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa maamulka Somaliland ee halkaas ka qabsaday inuu muddo todobaad ah ciidamadiisa ugala baxo.

Madaxweynaha maamulka Khatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) oo shir jaraa’id khadka taleefoonka ugu qabtay warbaahinta Puntlad ayaa ugu baaqay Somaliland iney ciidamadooda kala baxay degmada Taleex.

Indha-sheel ayaa ciidamada kazoo jeeda deegaanka Khaatumo ee ku jira maamulka Somaliland uga digay iney ka qeybqaataan dhibaato uu sheegay in maamulka Somaliland u geysanayo dadka deegaanka.

Maamulka Somaliland ayaa maalmo ka hora xoog kula wareegay degmada Taleex ee gobolka Sool, iyagoo sheeganaya in degmadaas ka mid tahay Somaliland.

Maamulka Puntland oo isaguna sheegtay degmada Taleex ayaa ku hanjabay inuu tilaabo ka qaadi doono Somaliland haddii aysan ka bixin degmadaas.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245