Maamulada Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis kala saxiixday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulada Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis kala saxiixday

October 21 (Mareeg)—Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa ku kala saxiixday magaalada Caynaba heshiis qodobadiisu ay ka mid yihiin in wax laga bedelo dastuurka Somaliland kadib markii wadahadalo qaatay muddo labo sano ah.

 

Heshiiska labada dhinac ay gaareen ayaa waxaa dhinaca maamulka Somaliland u saxiixay Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Axmed Siilaanyo halka hogaamiyaha Maamulka Khaatumo uu u saxiixay Cali Khaliif Galeyr.

 

Qoddobada labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho,In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.

 

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku raacay in khilaaf walba lagu dhameeyo wadahadal isla markaana la adkeeyo nabad ku wada noolaanshaha iyo midnimada.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee laga heshiiyay kadib kulamo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa ka mid ah dastuurka dib loo furo si lo sugo awoodqeysiga iyo gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle in loo ogolaado ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

 

Ugu dambeyntii labada maamul ayaa isku raacay in ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!