Khasaaro ka dhashay Qaraxii lagu weeraray Xarunta Degmada Hoden * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaro ka dhashay Qaraxii lagu weeraray Xarunta Degmada Hoden

Faah faahin dheeraad ayaa waxa ay soo baxeysaa weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa,waxaana uu ku qarxay afaafka hore ee Xarunta Degmada,iyadoo uu sababay qaraxaas Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Gabi ahaan waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray dhismayaasha Xarunta maamulka Degmada Hoden iyo goobihii ka agdhawaa ku yaallay halkaasi oo uu kamid ahaa Masaajid.

Masaajidka oo ka agdhawaa Xarunta weerarka ismiidaaminta ah lagu qaaday ayaa waxaa gaaray bur bur xoogan, waxaa kale oo bur buray dhismayaal goobo ganacsi ah oo ku yaallay .

Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxayna xireen dhamaan wadooyinka soo gala xarunta Degmada Hodan.

Ugu yaraan 5 ruux oo isugu jira askar iyo dad Shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay Xarunta Degmada Hoden halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Axadii la soo dhaafay ayeey aheyd markii Shabaab qarax Ismiidaamin ah ay ku weerareen Xarunta Degmada Hawlwadaag, halkaasi oo dad rayid ah ay ku dileen.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha internet-ka Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarkaan lagu qaaray Xarunta Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!