Khasaaro ka dhashay Qarax lala beegsaday Nabadoono Caan ah Magaalada…

Read Time:56 Second

Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax barqadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeyb kamid ah degmada Shibis, kaasi oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen siyaasiyiin.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa qabsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta oo ay saarnaayeen Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu qbasaday gaariga xili ay marayeen Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo ilaalo u aheyd Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka  dad kale oo shacab ahaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo goobta ka agdhawaa.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka xireen, iyagoona dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay halkaas maraan, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay kusoo badanayay qaraxyo miino ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo saaray Mas’uuliyiin kala duwan iyo dad shacab ah.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %