Khasaaro ka dhashay Madaafiic ku dhacday xaafaddo ku dhow Xerada Xalane * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaro ka dhashay Madaafiic ku dhacday xaafaddo ku dhow Xerada Xalane

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku dhaceen Xaafadaha Obasiibka ah oo u dhow Xerada Xalane oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan laanta Gabiyow, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warameen in ilaa 4 Hoobiye ay soo dhaceen, isla markaana mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Mid kamid ah dadka Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa sheegay in uu geeriyooday Walaalkiis oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Amiin & Cunug uu dhalay halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 Ruux oo kale.

ka sokoow dhaawaca iyo dhimashada ay geysteen hoobiyeyaashii ku dhacay xaafado u dhow Xerada Xalane ayaa waxaa uu burbur xoogan soo gaaray Guryo jiingado ah oo uu hoobiyaha ku dhacay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen, waxaana dadka ku dhaawacmay la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Xeeendaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay degan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waana markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weeraro xerada Xalane inta ay muqdisho joogaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.