Khasaaro ka dhashay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle

Read Time:51 Second

Wararka lag helayo deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaano ka tirsan degmadaas,isla markaana fatahaada uu geystay khasaaro hantiyadeed.

Wabiga ayaa ka fatahay deegaanka Buulo Axmed Cigow  oo duleedka ka ah degmda Mahadaay,isla markaana uu khasaaro gaarsiiyay Beero ku yaalla tuulada uu ka fatahay,sidoo kale uu Wabiga gooyay Beeraha.

Dad ku sugan degmada Mahadaay ayaa waxaa ay sheegeen in Wabiga dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku soo kordhayeen biyo,taas oo keentay in ugu dambeyn uu xalay fatahaad ka sameeyey tuulada Buulo Axmed Cigow .

Wabiga ayaa geibi ahaanba baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan,sidoo kale Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah uu burburiyo,isla markaana dadka badi ay ka barakaceen Buulo Axmed Cigow  .

Sanadkiiba tira laba jeer oo kala ah Guga iyo deyrta oo uu roobka da’o ayuu fatahaad ka sameeyaa deegaano ka tirsan laabda Shabeelle taas oo keenta in dad badan ay ka barakacaan deegaanada uu ka fataho.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %