Khasaaro ka dhashay Bam lagu weeraray Guri ku yaalla Muqdisho

Read Time:27 Second

Bam gacmeed ayaa lagu weeraray Guri la sheegay in la isku yimaado, islamarkaana lagu caweeyo,kaas oo ay ku sugnaayeen dad la sheegay in ay isugu jiraan rag iyo dumar,isla markaana ku yaalla Xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in 11 ruux ay ku dhaawacmeen Qaraxa, islamarkaana Kooxdii ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen.

Labo ruux oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa Xaaladooda Caafimaad Liidataa.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu weeraray Bambo Gacmeedka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %