Khasaare Lixaad Leh Oo Uu Geystay Dab Shalay Ka Kacay Isgoyska KM4 Ee Muqdisho

Read Time:1 Minute, 56 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Khasaare xoog leh ayaa ka dhashay dab xooge leh oo shalay ka kacay Isgoyska KM4 ee magaalda Muqdisho, waxaana dabkaas uu bur-buriyay dhismayaal fara badan oo halkaas ku yaallay.

Dabkan oo aan illaa iyo hadda aan la ogeyn wuxuu ka dhashay ayaa wuxuu gubay boqolaal gaadiid ah oo ganacsi ahaan dhawaan looga keenay dalka dibaddiisa, iyadoo sidoo kalena ay ku gubteen fuustooyin shidaal uu ku jiray iyo dhismayaal.

Dabkan ayaa ka kacay Garaash lagu iibiyo shidaalka iyo gaadiidka, kaasoo saran laamiga KM4, wuxuun sidoo kale liqay dhamaan dhismaha garaashkaas la xiriiray eek u teedsanaa wadada laamiga ah.

“Lama oga wuxuu dabkan ka dhashay, balse khasaare xoog leh ayuu geystay, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay, runtiina tani waa musiibo xoog leh,” ayuu yiri ganacsade lahaa dukaan garaashka ku dhagganaa oo dabku uu gubay.

Ganacsadaha ayaa sheegay in dukaammada intooda badan laga saaray wixii alaab ah ee ku jiray, isagoo intaas ku daray in dukaamada oo dhan lagu iibin jiray qalabka dayactirka baabuurta (Spare Parts).

Dhismayaasha gubtay ayaa waxaa ka mid ahaa Maqaayad weyn oo cuntada laga cuno taasoo lagu magacaabo Fatxi, waxaana goobta ku sugnaa markii aan booqanaynay gaadiidka dambka damiya oo ay kala lahaayeen AMISOM, maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo ay lahaayeen hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in dabkan uu khasaare ba’an geystay, wuxuuna ganacsatadii hantida lahaa Alle uga bar-yay inuu bedel khayr qaba siiyo.

Taliyaha booliska Soomaaliya C/xakiim Daahir Saacid ayaa sheegay in dabkaani khasaare badan geystay, hase ahaatee ay ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa gurmadka degdeg ah ay badbaadiyeen hanti farabdan, islamarkaana ku guuleysteen in dabka la damiyo.

Gaadiidka gargaarka deg-degga ah ee loo yaqaan Ambulance-yada ayaa ku sugnaa goobta, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada dadkii waxyeelladu ay ka soo gaartay dabkaas, kuwaasoo u badnaa ganacsato isku dayayay inay ka badbaadsadaan dabka alaabahooda.

Inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dabka la damiyo ayaa wuxuu si ba’an ku waxyeelleeyay dhul ballaran oo ay ku yaalleen garaasha, dhowr dukaan iyo maqaahida.

Dhismayaashan gubtay ayaa waxay ku yaalleen beertii lagu nasan jiray ee isgoyska KM-4, halkaasoo markii uu dalku burburku galay la iska dhistay; iyadoo dabkan uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %