Khasaare badan oo ka dhashay weerar gaadmo ah oo Alshabaab ka geysteen banaanka Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaare badan oo ka dhashay weerar gaadmo ah oo Alshabaab ka geysteen banaanka Baydhabo

Mareeg.com: Ugu yaraan 6 qof ayaa geeriyootay ilaa 18 kalana wey dhaawacmeen kadib markii Alshabaab weerar ku qaadeen xarrun ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin meel ka baxsan magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Dagaalka oo gaadmo ahaa ayaa Alshabaab saaka aroortii ku qaadeen saldhigu ciidamada Soomaaliya lahaayeen “Al-Shabaab ayaa soo weeraray saldhigeena saakay waabarigii, waxaa naga geeriyooday 6 askaru” ayuu yiri Kabtan Ahmed Iidow oo ka tirsan saraaliisha Milateriga.

Alshabaab ayaa ka hadlay dagaalkaa ayaa sheegtay iney la wareegeen xerada ciidamada ay weerarka ku qaadeen, waxeyna sheegeen iney dileen ilaa 10 askari.

Saraakiisha ciidamada sheegay in inkastoo Alshabaab saaka weeraray xerada ciidamada ee ku taala banaanka Baydhabo ay aad u hubeysnaateen, islamarkaana wateen gaadiid dagaal, hadana ay iska difaaceen.

Alshabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada xarrumaha ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM, waxeyna xalay weerareen degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!