Khasaaraha weerarkii Wasaaradda Tacliinta Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaraha weerarkii Wasaaradda Tacliinta Somalia

Mareeg.com: Ilaa 15 qof ayaa ku dhimatay weerar maanta Alshabaab ku qaadday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku taalla agagaarka KM 5 ee magaalada Muqdisho, sidaas waxaa xaqiijiyey Kooxaha Gurmadka degdega ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkasa, waxaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kadibna waxaa billowday is rasaaseyn u dhexeysay maleeshiyada weerarka qaaday iyo ciidanka dowladda.

Ciidan ka tirsan dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM oo gaaray goobta ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarka, maleeshiyada weerarka geysatay ayaana la sheegay in la dilay.

Illaa boqol ruux oo u badan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ciidamada ay soo bad baadiyeen, kuwaasoo gudaha dhismaha ku jiray.

Sarkaal ka tirsan dowladda oo diiday magaciisa in la adeegsado ayaa sheegaya in howl galka la soo gaba gabeeyay, ayna ciidamada dileen ilaa afar dabley hubeysan.

Taliyihii Ilaalada dhismaha wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare oo magaciisa lagu sheegay Sandheere ayaa ku dhintay weerarka, sidoo kale Agaasimihii guud ee qeybta Hidaha iyo Tacliinta sare Mr. Ismaaciil ayaa isna weerarka ku dhaawacmay.

Askarta weerarka ku dhintay ayaa la sheegay iney gaarayaan 3 mid ka mid ah uu ahaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale, 4 ka mid ah Alshabaab ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay howlgalka weerarkaas xigay.

Saraakiisha Caafimaadka ee Cisbitaalka Madiina ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay Cisbitaalkaas 15 ruux oo dhaawac ah.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in ciidamada ay bad baadiyeen dad badan oo ku jiray dhismaha wasaaradda, ayna goor dhow soo saari doonaan faah faahinta weerarka sida uu yiri.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!