Khasaaraha weerarkii Maka Almukarama (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaraha weerarkii Maka Almukarama (Sawirro)

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashaya khasaaraha ka dhashay weerar Alshabaab shalay galab ilaa maanta gellinki hore ay ku heysteen Hotelka Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada amniga ay guuleysteen inay soo badbaadiyaan in ka badan 50 qof oo isugu jiray diblomaasiyiin, ganacsato, siyaasiin, dhaqaatiir iyo shacab kale.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Hotelka Maka Al-mukarama ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka argagixisada ah ay ku fashilmeen weerarkii ay ku soo qaadeen hotelka, isagoo xusay in qorshahooda uu ahaa sidii ay u xasuuqi lahaayeen dhamaanta inta ku jirtay hotelka.

“Shan ilaa iyo lix qof ayay ahaayeen oo dhabarka dambe ee Hotelka ka soo galay, ciidamada wax fursad ah ma u siinin maleeshiyaadka Shabaabka inay dadka laayaan, waxaa la badbaadiyay in ka badan 50 qof, oo isugu jira diblomaasiyiin, ganacsato iyo tiro kale oo shacabka” ayuu yiri Maareeye.

Dowladda Soomaaliya waxey gudaha hotelka kusoo bandhigtay meydadka 3 nin oo ku labisan dharka ciidamada dowladda Federaalka.

shaba_2

Afhayeenka Alshabaab, Cali Maxamuud Raage oo sheegtay weerarkaas ayaa sheegay in qaar ka mid ah raggii weerarkaas fuliyey ay ka laabteen goobta iyagoo nabad qaba, ayna diyaar u yihiin weeraro kale.

“Ficilkaasi argagixisada waxaa ku dhintay 14 qof, oo uu ku jiro safiirkii Soomaaliya ee magaalada Geneva Danjire Bari Bari” ayuu sidoo kale yiri yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Gureey Xaaji Xasan oo ah ninka uu u furan yahay Hotelka Maka Al-mukarama ayaa ciidamada ammaanka uga mahadceliyay howlgalkii ay ku soo gabo gabeeyeen raggii weerarka ku soo qaaday Hotelka.

Hoteelka Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ka muuqday bur bur xoogan oo kasoo gaaray Weerarkii shalay Al-Shabaab ku galeen, waxaana gudaha Hoteelka daadsanaa dhiiga dad badan oo ku dhintay gudaha Hoteelka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!