Khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday baar ku dhow Villa Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday baar ku dhow Villa Somalia

Mareeg.com: Qaraxa gaari oo xalay ka dhacay baar ku yaalla kasoo horjeedka barxadda Iskaashatooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 ruux oo rayid ahaa.

Makhaayadda ayaa u dhow dhismaha golaha Murtida iyo Madadaalada. Ciidammada ammaanka ayaa isku gadaamay goobta uu ka dhacay qaraxa.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax iyo guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka ammaanka ay ku daba joogaan ciddii ka dambesay falkaasi.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa oo ay ku jiraan laba wariye ayaa la dhigay isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ilaa 3 qof ay ku dhinteen bam la sheegay in loogu xiray gaari, kaasoo ka dhacay Isgosyka Afarta Jardiino.

Waa qaraxii labaad ee todobaadkaan lala beegsado mid ka mid ah baararka Muqdisho, iyadoo maalmo ka hor la qarxiyey baar lagu magacaabo Oromo oo ku yaalla agagaarka Taallada Sayidka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!