Khasaaraha Ka Dhashay Duufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Woqooyi Bari Ee Soomaaliya Oo Kordhay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaraha Ka Dhashay Duufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Woqooyi Bari Ee Soomaaliya Oo Kordhay

Boosaso, Mareeg.com: Khasaaraha ka dhashay roobabka duufaanta wata ee ku dhuftay xeebaha woqooyi bari ee dalka Soomaaliya ayaa sii kordheysay, iyadoo tirade dhimasha oo markii hore maamulka deegaankaas ee Punland ku sheegay 100 ay hadda dhaaftay ilaa 200 sida laga soo xitay saraakiil maamulka ah.

Sida ay sheegtay dowlada Puntland waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay xitaa kasii badato 200, iyadoo weli dad badan lagu lay’yaha deeganada Miyiga ah ee dhulka magaalooyinka ka fog.

Aabe ayaa lix caruur iyo hooyadood ku waayey duufaanta ku dhufatay degmada Eyl, isagoo sheegay in wali uu la’yahay hooyadii ilihiisa dhashay.

Aabahan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in doraad gelinkii dambe uu helay mid ka mid ah meydadka wiilashiisa.

Maamulka Puntland ayaa taageero caalami ah codsatay xili ay go’aday wadadii isku xir jirtay magaalooyinka waaweyn taasi oo saameyn ku teelatay gurmadkii la gaarsiin lahaa goobaha khasaaraha xoogan ka jiro.

Laamiga kala go’ay ee Sunajiif ayaa ah 380 mitir oo dherer ah, 8 mitir balac ah, wuxuuna hoos u qodmay 4 mitir, iyadoo sawiroo lasoo qaaday noqdeen kuwa lala amakaagay sida daadkaas wadada u galay.

Puntland ayaa sheegtay in degmooyinka kala ah Xaafuun, Bander Bayla, Caluula, Rako Raaxo, Dangoranyo, Eyl iyo Jariiban ay yihiin goobaha ay ka dhaceen khasaaraha ugu badan gaar ahaan deegaanada miyiga ah ee hoostaga degmooyinkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in $1 Milyan dollar ugu deeqeyso dadka dhibaatadu ku saameysay deegaanada Puntland, halka deegaanada Puntland laga bilaabay gurmad iyo kaalmo ururuurin si wax loo gaarsiiyo dadka duufaantu qaaday.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!