khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Cadaado

Cadaado (mareeg)—Dagaalkan oo ahaa mid Culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxuu ka dhacay Duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Dagaalkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2 Askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 4 kale ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid kadib markii sida la sheegay uu labada dhinac soo kala dhex galay murun salka ku haya mushaar bixinta.

 

Guddoomiyaha Magaalada Cadaado, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku baxeen Dagaalkaasi, islamarkaana haatan ay ku howlan yihiin sidii loo qaboojin la haa xiisadaasi u dhaxeysa Ciidamadaasi.

 

Ugu dambeyn, Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in haatan ay ka aloosan tahay Duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!